Tuesday, July 28, 2009

Dabaqoodhi iyo Dhibkooda

Inta aynaan guda galin sheekadeena, bal aan ka faaloono waxa uu yahey dabaqoodhi. Dabqoodhi waa eray duluc dheer xamabaarsan oo loobixiyy kuwii diintoodii, dalkoodii, dadkoodii, iyo sharaftoodiiba ka iibsadey Tigreega Itoobiyaanka ah ee uu madax u yahey Meles Zenawi nacalad ha ku dhacdee.

Dadka Somaliyeed ee dega dhulka Ogadenya waxey mudo dheer ku hoos noolaayeen cadowaga Itoobiyaanka oo xasuuq ba'an oo isugu jira, dil, kufsi, iyo barakicin u geystey dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan. Lama soo koobi karo dhibka lagu hayo shacabka Ogadenya, kuwaasoo rafaad ba'an la kulma har iyo habeenba. Iyagoo aan haysing quud maalmoodkoodii ayaa hadan loogu daraa dil, kufsi, iyo barakicin xad dhaaf ah oo ay u gesytaan gumeysiga madoow ee Tigreega ee xooga ku hasyta dhulka Ogadenya.

Waxaa dhibkaas shacabka Ogadenya lagu hayo ka dhiidhiyey Jabahada Wadaniga Xoreynya Ogadenya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano JXWO ama ONLF oo u taagan Ogaden National Liberation Front. ONLF oo ay hor u kacayaan dhalinyaro mujaahidiin ah oo naftooda iyo maalkoodaba u huraya siddii loo xoreyn lahaa dhulka Ogadenya, una dagaalamaya sidii shacabka Ogadenya looga qaadi lahaa xasuuqa bani'aadanimada kabxsan. ONLF, iyaga oo aanan haysanin hub casri ah ayey haddna guulo waaweyn ka gaaraan badanaaba dagaalada ay kula jiraan cadowga Soomaliyeed iyagoo ka dhiga wax la dilay, wax la qabtey, iyo wax laga furteyba.

Hadaba waxaa isweydin leh, oo la hadal hayaa kuwan dabaqoodhiga la yiraahdo iyo waxa ay walaaqayaanba. dabqoodhigu waa kooxo tira ahaan yar hadana ka mid ah Ogadenka halkaa degan. Halkii la doonayey in ay ka qeyb qaataan jihaadka lagula jiro cadowga, ayeyba dalkoodii iibsadeen oo ay dabaqoodhi ama daba dhilif u noqdeen cadwoga Somaliyeed ee dadkooda har iyo habeenba xasuuqa.

Markii askarta Meles Zenaawi ay u waayeen tabar ay iskaga dhiciyaan mujaahidiinta ONLF ee xaq u dirirka ah ayey soo aruursadeen rag Ogadenka ka mid ahaa, gaar ahaan intii ugu caqli yareyd. Kadibna intii waxoogaa lacag ah jeebka loo galiyey, tuuto duug ahna loo galiyey, madaxna loo salaaxey, darajooyiin aan micno la heyna loo qorey, ayaa lagu yiri " war orda oo soo qab qabta Mujaahidiinta ONLF".

Waa yaabe ma dabaqoodhi ayaa soo qabqabanaya mujaahidiintii ONLF oo ka yaabisyey askartii Itoobiyaanka aheyd ee ugu xooga badan qaarada Africa. Wey ogaayeen dabaqoodhi ineysan ONLF la dagaalami karin ee waxey uun doonayaan iney helaan shilaamd ay qaad ama jaad ku cunaan qamrina ku cabaan.

Markii la arkey ineysan dabaqoodhi waxba qabaneynin oo ay qaad iska ruugayaan habeen iyo maalinba ayaa dhamaantood xerooyinka askarta lagu soo xareeyey oo loo furey tababar lagu xasuuqayo shacbka Ogadenya oonba awood u laheyn iney dagaalamaan.

Waxaa dabaqoodhi amar lagu siiyey iney soo qabqabtaan shacabka taageersan oo ONLF iyo cidii qaraabo la ahba. Dabqoodhi ayaa arintaas aad ugu farxey maadaama ay hadda heleen shaqo fiican oo sahlan. Kadibna waxey bilaabeen iney wadooyinka ka soo qab qabtaan dad masaakin ah oon waxba galabsan. Raggi aay soo qabtaan qaarna wey dilaan, qaarna xabsiyada laga buuxiyaa iyaga oon helin cid u dooda ama wax siisa.

Waxeyna si ba'an u kufsadaan haweenka ay ka tageen raggii la diley iyo kuwa xabsida ka buuxaba. Waxaase aad u layaab leh in dadkan ay dabaqoodhiga ay sidaa u xasuuqayaan ay ka mid yihiin reeraha ayba laftoodu ka dhasheen. dadka ay sidaa u xsauuqayaan ma ahan gaalo, ee waa dakoodii ewelba ku hoos noolaa cadowaga soomaliyeed oo si aan naxariis laheyn u xasuuqi jirey waayeel, haween, iyo caruurba.

Waxaa dabqoodhiyaasha hada madaxweyne looga dhigey nin la yiraahso Daa'uud Amxaar ood sawirkiisa kor ku aragtaan, isagoo isku sheega inuu yahey madaxweynaha somalida ee halkaas degata. Ninkan ayaa waxaa ilaahey u keenay cudur ba'an oo la garan waayey wuxuu yahey. Waxaa la yiri siduu u joogaba dhulka ayuu ku dhacaa oo uu qalalaa kadibna uu sida sac u ciyaa.

Isbitaal la geeyo awood uma leh Tigreena waxba kama galin ninkaas iyo caafimaad daradiisa. Sidaa awgeed ayaa waxey dabaqoodhiyaashu u qaadaan haweenka qurufaadk ah ee wax faaliya. Habeen iyo maalinba neef ari ah ayaa loo qalaa oo balaayo iyo jin baa lagu aqriyaa. waxaan la yiri wuuba ka sii darey oo dhowr nin baa lugaha ka qabata kolkii uu galgasho sida dameerada, isaga oo kolba kor iyo hoosba lugaha iyo madax isku qaraacya, dhuuso, hunqaaco, iyo calyaba isku qasaya. Markii urka iyo qaylidiisa loo adkeysan waayo ayaa waxaa lagu xiraa geed hoostiisa isaga oo ay waardiyeynayaa dhowr dabaqoodhi ah oo ay qaraabo yihiin.

Waxaa Daa'uud Amaxaar ka daran nin islamka ka baxey oo dadqalato ah laguna magacaabo Cabdi Iley oo ah nin madoow oo aad u fool xun, oo hadad aragtaan aad hunqaaceysid. Kolkaan aragney suuradiisa iyo muuqalkiisa xun ee uu illahey u abuurey ninkan ayaanu ka gaabsaney in sawirkiisa halkan ku soo daabacno. Cabdi iley nacald ha ku dhacdee waa nin dhulka Ogadenya ku caanbaxey inuu xasuuqo walaalhiisa Ogadenya isaga oo diley bololaal qof oo shacabka reer Ogadenya ah.

Markii askrta cadowaga ee Togreega ay arkeen sida uu ninkan dadqalato u yahey oo uu u leynayo shacabka Ogadenya ayey intey aad u farxeen waxey ka dhigeen taliyaya ciidanka nabadgalyda ee hoos tega Dauu'd Amxaar.

Cabdi Iley oo ah nin si aad ah looga cabsi qabo maadaama uu wato ciidan dabqoodhiyaal aad u badan ayuu wuxuu ku wareegaa dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka shacbaka Ogadenya degan yihiin. Meeshuu tagaba wuxuu ku xasuuqaa dad rayid ah oo intuu meydkooda soo sawirto ayuu ula tagaa ciidanka Tigreega isagoo leh waa ONLF. Waxaaba ka siidaran inuu sawirada meydadka dadkaas uu soo xasuuqey inuu ku soo daabaco website uu cabdi iley leeyahey ee la yiraahdo eegga.com, isaga oo ku faanaya inuu soo diley ciidamad ONLF.

Waxaa hada na soo gaarey fariima sheegaya in askrta Meles Zenawi ka shakiyeen nikan cabdi Iley oo xoog xad dhaaf ah wata. Waxaa kaloo la sheegay in cabdi iley uu doonayo in uu talada madaxweynimada ku sheega uu ka xayuubsado Daa'uud Amxaar oo ah bukaan socoto marna garbaha lahayo marna geed lagu xiro oo aan waxba maamuli karin.

Si kastaba aruntu ha ahaatee, mar uun buu nikaasi u soo gacan geli gacanta shacbka Ogadenya ee uu xasuuqey lagana abaalmarin isaga iyo dabaqoodhiyaasha uu wataba dhiba ay u geysteen walaalhooda aan waxba galabsan. Da'uud Amxaar isaga Ilaahey ayaaba u keeney cudur xun oo kol dhow ayuu ku bakhtiyi geedka ay ku hoos xiraan.

Insha Allah shacbka Ogadenya ee dulmisan marbey guuleysan iyagoo halgankooda halkaas ka siiwadi doona, cagtna marin doona dabaqoodhiyaasha iyo cadowga ay u shaqeeyaanba. Guul mooyee gumeysi iyo dulmi dooni mayno. Dabaqoodhiyoow waxaad calooshaada u shaqeysatba, waxaad walaahaa xasuuqadaba, kolbaynu gacan bir ah kugu qaban laguna hor geyn shacabkii aad xasuuqdeen la idinkana abaalmarin. Aakhirana waxaa idiin danbeysa naarta jahanama halkas ood ku waaraysaan idinka iyo sheydaamiinta aad daba ordeyseenba.



4 comments:

  1. Waa sax wixii aad qortey Mr Libaax. Dabaqoodhiyaal ceeb iyo naar mooyee wax u harey ma jiraan. Dhiiga walaalhood ee cabayaan ayey moodeen iney ku waarayaan. Waan jihaadi doonaa ilaa intii aynu ka guuleysanayno cadowaga iyo dabaqoodhiyaashaba

    ReplyDelete
  2. Waan yaabey walaahi. waxaan maqli jirey wax la dhaho dabqoodhi balse ma fahmin waxey tahey. Hadaase fahmey walaahi kuwaasi amaxaaeada wasqada daba ordaya waa u dhamaatey oo iyagaaba ka daran cadowga islaamaka. Jaajsuintaas in la gowraco waaye si kale ma leh.
    Thanks walaal Libaax warkaas oo micneysey

    ReplyDelete
  3. Saaxiib waxaad qortey badanaa waa run waxaase u maleyn inaad waxoogaa buunisey adigii yiri madaxweyne Da'uud baa sida xoolaha geed laguxirey. waan maqley in cudur ba'an ku dhacey, balse yaa doonaya madaxweyne geed lagu xirey siddii neef ari'ah waa yaabe.

    ReplyDelete
  4. Saaxiib Macalinka. Marka hore maba jiraan wax la yiraahdo madaxweyne Somali ee ka talisaa dhulka Ogadenya. Tirgreega ayaa doonaya iney shacabaka Ogadenya ku sabsabaan iney leeyihiin dowlada.

    Sidaa ogweed ayey xilal aan micno laheyn u dhiibeen dad wax magarato ah, qarna waalan, qaarna caqli yar. Markaa waa sidaa ay doonayeenba hadiiba oo uu nikaa waalan yahey ood ku hoos xiran yahey

    ReplyDelete

If you like this article, walaale take few minutes and write what you think about this topic. Thank you and saaxiib come back to read something more yaah adoo raali ah.
Jaakoole